Ciidanka Somaliland oo askar badan looga dilay dagaalkii Jabhadda Gacan-Libaax

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Booliska Somaliland Maxmed Adam Saqadhi ayaa faah-fahain ka bixiyey dagaal Jimcihii ka dhacay gobolka Saaxil.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo dhex-maraya Jabhadda Buurta Gacan Libaax iyo ciidanka Somaliland, lagu diley 9 askari, lagana dhaawacay 17 kale oo ka mid ah ciidamada dowladda.

Xogaha laga helayo booliiska ayaa sheegaya in jabhadu ay si gaadmo ah usoo weerartay ciidanka oo ku sugnaa goob dhawaan la dajiyay, isla markaana uu dagaal muddo socday dhexmaray labada dhinac.

Maxamed Saqadhi ayaa sheegay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay ee diidan taliska Muuse Biixi, laakiin hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa isku xirey jabhadda hubeysan iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, waxaana uu sheegay in jabhaddu ay tahay mid xiriir dhaw la leh Guddoomiyaha Waddani, oo ay u badan yihiin qaraabadiisa, sidaas darteed uu ku fashilmey in u wax ka qabto, ayuu yiri.

Jabhadda Buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatey ee u badan beesha Garxejis Isaaq ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland.

Burta Gacan Libaax ayaa noqoneysa furin labaad oo Somaliland ay ka dagaalameyso, horey waxaa u diidey dadka deegaanka gobolka Sool oo bishii Febaraayo ku guuleystey in ay Somaliland ka saaraan deeganadooda, waxaana ay hadda ku sugan yihiin xero ciidan oo ku dhaw Laascaanood oo ay dhufeyso ka qoteen.

Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto 13 November 2022, hase yeeshee Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu daray Muuse Biixi.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa doonaya in uu meesha ka saaro Xisbiyada hadda jira ee UCID iyo Waddani, kadib markii uu doorashada Xisbiyada ka soo hor mariyey tan madaxweynaha.