Ciidanka Xoogga oo sheegay inuu dhintay afhayeenkii Al-Shabaab CALI DHEERE

Muqdisho (Caasimada Online) – Raadiyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee SNA Radio ayaa sheegtay inuu afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaal.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadan. Sidoo kale ma jirto warbaahin kale oo madax banaan oo werisay in Cali Dheere uu dhintay.

Qoraal xalay lasoo dhigay bogga facebook ee Raadiyaha ayaa lagu yiri “Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Cali Dheere uu maalmahaan isbitaal la jiifay dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal ciidanka xoogga iyo shacabka xoreynta Hiiraan ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, Khamiistii lasoo dhaafay ee 29-kii September ee 2022. 

Haddii sida Raadiyaha ciidanka wax u sheegay ay u jiraan, waxaa is-weydiin mudan sababta aysan mas’uuliyiinta dowladda uga hadlin arrintan. 

Dowladda federaalka ayaa marka xubin sare laga dilo kooxda Al-Shabaab waxay inta badan soo saartaa qoraallo rasmi ah oo lasoo mariyo wasaaradda warfaafinta.

Saddex maalmood kahor, qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda Al-Shabaab lagu dilay duqeyn.

Maalin kadib qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn lagu dilay hoggaamiye sare oo Shabaab ah, inkasta oo aan magaciisa la shaacin balse loo maleynayo inuu yahay Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqiin Cabdullaahi Yare.