Ciilmooge ‘’Axmed Madoobe waa kaligii talis caburin ku haya Golayaasha iyo Shacabka Jubbaland’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Ra’isul wasaare Saacid, Cabdullaahi Cilmooge Xersi, ayaa sheegay in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka dheereeyay xadkii loogu tallo galay.

Ciilmooge, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu caqabad ku yahay labada Gole ee maamulka iyo shacabka, waxa uuna carab dhabay inuu yahay Hogaamiye digtaatoori ah.

Ciilmooge, waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu caburin uu ku hayo labada Gole ee maamulka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in xiisadaha xiligaan ka jira Kismaayo uu isaga sabab u yahay.

‘’Khilaaf iyo caburin aan dhamaan ayaa kala dhexeeya labada Gole, cida uu isaga doonaayo ayuu xilka ka qaadaa, taa waxaan filaay inaanu xitaa keligii taliska uusan ku dhaqmin’’

Ciilmooge, waxa uu sheegay in maalin walba ay cabasho uga timaado dadka deegan Jubbooyinka, sidoo kale dhammaan la xaalufinayo dhirtii deegaanada Jubbaland dalka dibadiisana loo dhoofiyo Dhuxusha.

Ciilmooge, ayaa intaa ku daray hadalkiisa in Axmed Madoobe uu yahay mid kaligiis talis ah oo jecel in kaligii uun uu wax maamulo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku dhaliilay in uusan ku guuleysan in uu xureeyo deegaanada ka maqan Maamulka Jubbland sidaas dareedeedna uu isagu u yahay musharax Maamulka Jubbaland.

Geesta kale, Ciilmooge, ayaa labada Gole iyo dadka shacabka ah ugu baaqay inay iska xoreeyan Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu yahay keligii talis.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com