Guddoomiye ku-xigeenka BF oo weerar afka ah ku qaaday RW Kheyre & Golihiisa Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia Cabdiweli Sheekh Ibraahin Muudeey, ayaa markii ugu horeysay weerar afka ah ku qaaday Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada.

Muudeey, waxa uu sheegay inuu aad uga xumaado marka uu goobjoog ka yahay Khudbadaha uu jeedinaayo Ra’isul wasaare Kheyre ama Wasiir ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna aad u dhaliilay in waxqabadka dalka ay kusoo kooban keliya Xukuumadooda.

Muudeey, waxa uu sheegay in Kheyre iyo Golahiisa Wasiirada laga doonaayo inaanu xaqirin wax qabadkii ay sameyen Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray oo ku soo shaqeeyay xalad adag.

Waxa uu sheegay in Xukuumada hadda jirta ay shaqada la wareegtay iyadoo inta badan la qabtay culeyska shaqo, waxa uuna tilmaamay in khudbadaha xubnaha Xukuumada Kheyre ay yihiin kuwo ku kooban amaanta waxqabadka Xukuumadooda oo keliya.

‘’Maaha in Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa ay wax kama jiraan ka dhigaan howshii ay soo qabteen xukuumadihii hore, waxaa laga doonayaa in waxqabadka aysan isku soo koobin oo aysan xaqirin horumarada ay soo sameeyen xukuumadihii hore’’

Muudeey, waxa uu ku celcelshay in Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada ay dalka yimaaden iyadoo wax kasta ay nidaamsan yihiin oo marxalad adag lagu soo shaqeeyay, kadibna talada dalka ay qabteen.

Muudeey, ayaa sheegay qof kasta oo Somali ah oo wax u qabtaan dalka inuu mudan yahay ku ammaanida shaqada Qaranka, balse aanan la xaqijiri wixii uu soo qabtay.

Nuqul kamid ah haddalka Muudeey ayaa ah ‘’Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxaan ka dhageysanaayay in iyagu uun wax qabteen. waxaan goobjoog u ahaa 2009 Xildhibaan baahi ugu dhintay Magaaladan markii wax uu cuno waayay qof uu shaxaadana garan waayay.”

Sidoo kale, Muudeey ayaa Xukuumada ugu baaqay in waxqabadka dalka ay qeyb uga ogolaato xukuumadihii hore, waxa uuna tilmaamay inuu rumeysan yahay in taa ay keentay tartanka ay ku jiraan dowladaha, balse ay muhiim tahay inaan la ilaawin xaqiiqda.

Haddalka Muudeey, ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare Kheyre uu goob waliba ka sameeyo ballanqaadyo la xiriira in Xukuumadiisu ay buuxin doonto howlaha ay qabyeeyeen kuwii ka horeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com