Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho oo saaka xiran & Ciidamo farabadan oo lasoo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho kuwaas oo u diidaya gaadiidka inay wadooyinkaas isticmaalaan.

Wadooyinka xiran ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.

Ciidamada ugu badan ayaa lagu arkayaa wadada Maka Al-Mukarama iyo tan wadnaha, waxa ayna dadku yihiin kuwo maalayaan lugtooda.

Ciidamada NISA ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.

Gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga ah ayaa isticmaalaya wadooyinka qarda jeexa ah, waxaana waddooyinka qaar ku go’an dhagxaan.

Dadka Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay Ciidamo farabadan oo wadooyinka taagan, waxaana dadka qaar ay sheegen in aysan saakay aadin goobohoodii Ganacsiga halka Ardayda qaarkood ay ka baaqsadeen goobahoodii waxbarashada sababo la xiriira xirnaanshiyaha waddooyinka.

Lama oga sababta loo xiray wadooyinkaan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada, balse Saraakiil ka tirsan NISA, ayaa sheegay in ciidamada amarkaasi la siiyay xirista wadooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com