CIRO oo si kale u dhigay kulankii Muuse Biixi iyo wasiirada DF ee Sacuudiga

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay kulan ay habeen hore ku yeeshen dalka Sacuudiga Madaxweynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.
Guddoomiye Ciro ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid soo if-bixinaya waxyaabo uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku dhaleeceyn jirey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Ciro ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulankaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn midnimada shacabka Somaliland ee rabitaanka gooni isu-taagooda, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba ka xisbi ahaan aysan ka surobin inay dhahaan qof Somalilander ah waa Soomaali weyn.
“Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Ciro.
Wuxuuna intaas sii raaciyey “Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay”.
Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa