Xog: Amarka KHEYRE oo lagu sii daayay masuuliyiin musuq maasuq ku eedeysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amray in la sii daayo ilaa shan qof oo ku eedeysan musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne kuwaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ku jiray xabsiga dhexe.

Mas’uuliyiinta la sii daayay waxaa ku jira madaxa canshuuraha qaadka ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdi Maalik Yuusuf iyo afar qof oo kale oo la shaqeynayey.

Dadkaan ayaa todobaadyo ka hor la xiray kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq xoog leh oo la sheegay in ay ka geesteen canshuurta qaadka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”.

Mudadii ay xirnaayeen waxay mar ka soo muuqdeen maxkamadda gobalka Banaadir,  laakiin ma jirin xukun maxkamadeed oo ku dhacay waxaana wali socotay dooda eedeymahooda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dadkaan qaarkood kula kulmay xafiiskiisa isagoo ka dalbaday in ay u hogaasamaan amarada dowladda islamarkaana aysan qalad u arkin mudadii ay xirnaayeen.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ra’iisul wasaare Kheyre uu ragaan ku qanciyay in aysan dib ugu laabaan xafiisyadii ay markii hore joogeen oo ay ka war sugaan amaro kale oo soo bixi doono.

Si gaar ah waxaa la sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan gaar ah la qaatay Cabdi Maalik  Yuusuf, waxaana la sheegay in uu ku qanciyay in uusan bilaabin dagaal ka dhan ah xukuumadda maadaama idaacadiisa Shabeelle lagu yaqaano in ay barnaamijyo ka sameyso shaqooyinka dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com