Wararkii ugu dambeeyey magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heerkii ugu danbeeyay ee la-tashiyada cidii loo magacaabi lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho la leh waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kale bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in la filaayo in todobaadkaan dhamaadkiisa lagu dhawaaqo guddoomiyaha cusub oo murashaxiin dhowr ah dadaal ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen.

Warar aad loogu kasloon yahay ayaa sheegaya in la filayo in seddax cisho gudahood madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku magacaabo digreeto mas’uulka cusub ee qaban doona xilka gobolka Banaadir.

Murashaxiin cusub ayaa kusoo biiray kuwii hore, waxaana murashaxiinta soo muuqday ka mid ah wasiirka ganacsiga iyo warshadahaha Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo saacadihii u danbeeyay la hadal hayay, inkastoo aysan muuqan ilaa hadda olole xooggan dhinaca wasiirka ka socda, hase ahaatee xarunta madaxtooyada aad looga hadal haayo.

Waxaa sidoo kale xubno loolanka soo galay isna ka mid ah xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, iyo siyaasiga Cabdi Jiinoow.

Shaqsiyaadka horey loolanka ugu jiray ayaa waxaa ka mid ahaa, AVV. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegeey) oo hadda ah La-taliyaha dhinaca dharciga ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, horayna usoo noqday guddoomiyihii guddigii doorashooyinka ee baarlamaanka xiligaan.

Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa Axmed Maxamuud Washington oo hadda ah maareeyaha dekadda Muqdisho, isagana rajadiisa in xilkaan loo magacaabo waxaa la leeyahay aad ayey u sareysaa, wuxuuna saaxiib dhow la yahay madaxweyne Farmaajo.

Washington wuxuu horay ugu mid ahaa murashaxiintii guddoomiyaha gobolka Banaadir ka hor intaan loo magacaabin allaha u naxariistee Yariisoow, hase ahaatee markii danbe loo magacaabay maareeyaha dekadda Muqdisho.

Waxaa sidoo kale, murashaxiinta ka mid ah agaasimaha Gaadiidka Cali Gacan Gaaboow, Cumar Qaanso, guddoomiyihii degmada Wadajir, balse xilka laga qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com