Cirro oo ka hadlay geerida gudoomiye Injineer Yariisow

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta war ka soo saray geerida Eng. Yariisow.

Gudoomiyaha ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad.

Hoos ka aqriso qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Gudoomiyuhu

“Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman [Yariisow] Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Illaahay waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto, qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com