Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay in ciidamada laga dulqaado Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markale si adag uga hadlay xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaca ka qaaday in arrin aan la aqbali karin ay tahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Somaliland aan laga sugeynin inay dilaan shacab, balse ay aheyd inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkii ka dhacay halkaasi.

“Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabato dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas,” ayuu yiri Cirro.

Waxa kale oo uu ku baaqay in haatan si deg deg ah ciidamada looga dul-qaado shacabka reer Laascaanood, si loo qaboojiyo xiisadda culus ee ka jirta magaaladaas.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, isaga oo ugu baaqday in aysan fududeysan waxa haatan ka socdo gudaha magaalada Laascaanood.

“Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan” ayuu raaciyay musharrax C/raxmaan Maxamed Cirro.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli qasan, waxaana ka socdo dibad-baxyo rabshada wata oo ka dhashay dilalka qorsheysan ee ka dhaca halkaasi, kuwaas oo kordhay.