Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed (Cirro) oo xilka si rasmi ah ula wareegay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horreysay, isaga oo sameeyay magacaabis.
Cabdiraxmaan ayaa Eng, Xuseen Aadan Cige (Deyr) u magacaabay inuu noqdo afhayeenkiisa, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horreeya ee la magacaabo.
“Waxa aan go’aamiyey; In Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri wareegtada.
Sidoo kale waxaa al filayaa in maalmaha soo socda uu qaado tallaabooyin kale oo magacaabis ah, waxaana sidoo kale uu soo dhisi doonaan golihiisa wasiirada.
Xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa isbeddal iyo inay wax ka qabato xiisadaha ka taagan gobollada dhaca bariga fog ee Somaliland.
Hoos ka akhriso wareegtada:-
Wareegto Madaxweyne.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024 uu ku magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba;
Markii aan ku qancay: In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland