Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku howlan xal-u-helidda xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Awdal ayaa ayaa saaka isbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday gudaha magaalada Boorama.
Cirro oo ay booqashadaan ku wehlinayeen qaar kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa mid mid u booqday bukaannada, isaga oo ka xog wareystay xaaladdooda caafimaad, una muujiyey dareen naxariis leh.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu xaqiijiyey in xukuumadda Somaliland ay si buuxda u barbar taagan tahay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaas, waxna ay la qaban doonto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasaaradda caafimaadka Somaliland, maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa uga mahad-celiyay dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen daryeelka bukaannada, wuxuuna kusii bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda caafimaad ee ay bulshada u hayaan.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa mar kale tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu gaartay, isaga oo Allah SWT uga baryey in uu caafimaad deg-deg ah siiyo dadka dhaawacmay.
Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday todobaad kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.
Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.


