Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Masraxa Prof. Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa xalay ku dhawaaqay go’aan farxad-geliyay kumanaan Soomaali ah, gaar ahaan ardaydii dugsiyada sare sanad dugsiyeedkii 2015/2016.
Xamza ayaa shaaciyay in la cafiyay dhammaan ardaydii Soomaaliyeed ee xilligaas aan galin Imtixaanka Fasalka 12-aad, wuxuuna amray in loo beddalo shahaadooyinka, isla markaana ay tegi karaan Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dalka.
Xukuumadda ayaa sheegtay in ardaydan oo gaaraya illaa 28 kun la aqoonsaday daruufihii keenay in ay geli waayeen imtixaanka, maadaama ay jireen xaalado maangal ah oo amni.
“Ardaydan oo tiradoodu tahay 28 kun oo arday ayaa imtixaanka uga baaqday duruufo loo aqoonsaday maangal, sidaas darteed, ayaa waxa ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare in loo fasaxo in ardaydaas ay u oggolaato Washaaraddu in ay u beddesho shahaadada fasalka 12aad ee dalladaha, kuwaas oo ay dhammaan xogtooda hayso Wasaaradda Waxbarashada” ayaa lagu yiri go’aanka soo baxay.
Tallaabadan ayaa si weyn loogu boggaadiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, maadaama ay jireen arday badan oo shahaadada dugsiga sare ay ka maqneyd, maadaama aanay xilligaas gelin imtixaanka dowladda, sababo la xiriiray xaaladihii ammaan ee markaasi jiray.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale ka hadlayay muhiimadda furitaanka masraxa cusub ee loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda sidoo kalena ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali ayaa sheegay in furitaankiisa uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana uu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta Bulshada.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, Waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Waxaa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in sanadka soo aaddan ee 2026 ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista shidaalka, taas oo wax weyn ka badali doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.


