25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Cirro oo qirtay in DF ay ku maamusho saddex arrin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa Sabtidii qiray in hawlo dhowr ah oo muhiim u ah Somaliland ay weli maamusho dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin bixinta baasaboorrada, maamulka duulista hawada, iyo isticmaalka furaha caalamiga ah ee taleefoonka dalka.

Hadalkiisu wuxuu ku soo beegmay xilli ay xiisadda sii kordheyso, kaddib markii ay Dowladda Federaalka soo rogtay shuruud cusub oo dal-ku-gal elektaroonig ah (e-visa) oo looga baahan yahay rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa fartay shirkadaha diyaaradaha inay dhaqan-geliyaan siyaasaddan, laga billaabo September 1, taasoo ay fuliyeen, waxaana la soo sheegayaa inay saameysay xitaa wasiirro ka tirsan Somaliland.

Iyadoo taas ka jawaabaysa, Somaliland waxay uga digtay in shirkad kasta oo diyaaradeed oo u hoggaansanta sharciga e-visaha ee Soomaaliya laga mamnuuci doono inay ka hawlgasho hawada iyo garoomada Somaliland.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ku eedeeyay Dawladda Federaalka Soomaaliya inay waddo wax ay ku tilmaameen “olole colaadeed” oo la xiriira maamulka hawada iyo hagidda duulimaadyada. Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ciqaabo shacabka Somaliland.

Khadar Xuseen Cabdi, wasiirka arrimaha madaxtooyada Somaliland, ayaa Sabtidii u sheegay saxafiyiinta in muranka ku saabsan hawada iyo oggolaanshaha duulimaadyada uu yahay “mid siyaasadaysan” isla markaana loo adeegsanayo cadaadis ka dhan ah Somaliland.

“Waa wax laga xishoodo oo ceeb ah in dawladda Soomaaliya iyo dadkeedu ay weli ku hawlan yihiin dadaallo lagu dhibaataynayo Somaliland, inkastoo ay ku fashilmeen damacyadoodii hore,” ayuu yiri Khadar. “Waa gef weyn inaad sheegataan inaad taageersan tihiin ‘Soomaaliweyn’ balse dhab ahaantii ujeeddadiinu tahay inaad dhibaato u horseeddaan shacabka Somaliland.”

In kasta oo ay jiraan hadallada kulul ee ka soo yeeray wasiirradiisa, Madaxweyne Cirro wuxuu si fagaare ah isugu dayay inuu qaboojiyo xiisadda. Wuxuu sheegay in Somaliland aysan raadinayn iska hor-imaad militari oo ay la gasho Muqdisho.

“Dagaal nagama dhexeeyo Soomaaliya, wax nacayb ahna uma hayno Soomaalida,” ayuu yiri. “Waxaan qaadannay xaqa aayo-ka-tashigayaga 18-kii May 1991.”

Sidoo kale, Cirro wuxuu u muuqday inuu dhaliilayo tallaabadii dhoweyd ee Muqdisho ay ku abuurtay maamul goboleedka Waqooyi-Bari — oo ka dhismay dhul ay Somaliland sheegan jirtay.

“Soomaaliya waxaa horyaalla hawl culus,” ayuu yiri. “Dawlad goboleedyadeedii way kala daateen, waxayna ku dhibtootay inay dib u mideyso — hadana, si la yaab leh, waxay abuuraysaa kuwo cusub. Arrintaasi miyaanay la mid ahayn sheekadii habartii xaabadii ay sidday qaadi kari weyday, hadana mid kale ku sii darsatay?”

- Advertisement -

Read more

Local News