Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo war cusub soo saaray ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii maalin kahor ay SSC-Khaatumo kula galeen deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool.
Ugu horreyn Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi oo dhacay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna tilmaamay inay ka dambeysay SSC-Khaatumo.
“Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka jawaabi doonaan gardarro kasta iyo haddii weerar lagu soo qaado, ayna difaaci doonaan Somaliland iyo dadkeeda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku celiyay inay dhinaca kale baadi goobi doonaan nabadda, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-hadallada xal raadinta ah.
“Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa” ayuu markale yirhi Madaxweynuhu.
Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa horay sidaan oo kale uga hadashay dagaalka, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saartay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cirro.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan aagga Buqdharkayn oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka qarxay Ceerigaabo oo ay isku fara saareen labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac.
Si kastaba, SSC ayaa dooneyso sidii ay u qabsan lahayd deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay iyana rabto inay isku fidiso Sool & Sanaag oo ay isku hayaan labada maamul, waxaana dagaalkan uu kasoo bilowday magaalada Laascaanood oo hadda fadhi u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyo Firdhiye.