Sawirro: Cali Guudlaawe oo gaaray aagagga Qurac-madoobe iyo Aqab-duco

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ku sugan furimaha dagaalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maanta gaaray aagagga Qurac-madoobe, War-ciise iyo Aqab-duco, halkaasi oo uu soo kormeeray xaaladda ciidamada, uuna sii dhiirri-geliyey dagaalka maamulka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka xaq-u-dirirka deegaanka ayaa la wadaagay madaxweynaha howl-galadii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Shabaab-ka baxsadka ah.

“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halka waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta horjoogayaal badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhegnaas guul howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Yuusuf Dhegnaas ayaa lagu dilay kadib duqeymo culus oo ka dhacay aagga Ruun-nirgood, gaar ahaan deegaanka Ceelbacad oo hoostaga degmadaasi.

Ninkan ayaa hoggaaminayey weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna markii la beegsaday aagga Ruun-nirgood ka waday abaabul weerar.

Si kastaba, maamulka Hirshabeelle ayaa haatan waxaa si dardar leh uga socda gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo ciidamada geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa Hirshabeelle oo kaashaanaya dadka deegaanka ay cashir ugu dhigeen dagaal-yahaanada kooxda.