Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howl-gallada ka dhanka ah kooxda argagixsada Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.
Taliska ciidanka PMPF ayaa ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay ku beegsadeen aagga togga Geel-lagu-qal, ayna gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaas uga sameysatay Daacish.
Taliyaha ciidanka Gaashaanle dhexe Maxamuud Shire Maxamed oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in talisyada ay gaareen ay ka heleen hub, rasaas, agab milatari iyo raashin ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada ee Daacish.
“Ciidamadu waxay maanta hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan,” ayuu yiri taliyuhu.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarumaha lala wareegay ay ku jiraan goob lagu tababari jiray dagaalamayaasha cusub ee kusoo biiraya maleeshiyada kooxda, isaga oo xusay in dhammaan ay gacanta ku hayaa xarumahaas iyo agabka ay ka carareen.
“Ilaa lix talis baan maanta helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.
Waxaa kale oo uu taliye Maxamuud Shire uga mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, sida ay uga go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagaxisada, lagana saaro dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland haatan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.
Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.