Ankara (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay hagar-daamada ay dalkeena ku hayso dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in Imaaraadka uu dalka ka qabto.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in uusan garaneyn wax uu ku cabiro qorshaha Imaaraadku uu ka damacsan yahay Soomaaliya, isagoo la yaab ku tilmaamay sababta uu Xasan Sheekh indhaha uga fiirsanayo farogelinta ay arrimaha Soomaaliya ku hayaan.
“Markii Farmaajo joogay waxaa la dhihi jiray Imaaraadka waa laga qaldan yahay in lala macaamilo ayey aheyd, laakiin hadda oo dib loo soo celiyey Imaaraad waxa uu ka shaqeynayo iyo qorshaha uu Soomaaliya ka leeyahay ma aqaano,” ayuu yiri.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in hadda ay Xasan Sheekh la shaqeeyaan, hadana ay ka daba shaqeeyaan, isagoo hab-dhaqankooda ku sifeeyey kii Tigraygii jooji jiray xukunka Itoobiya uu kula macaamili jiray Soomaalida.
“Imaaraad waxay gooni u wataan Axmed Madoobe, dhinac kale waxay u wataan Cabdiraxmaan Cirro iyo Saciid Deni, hadana Xasan Sheekh dhib kuma qabo sida aan aragno, marka waxaan is weydiiyaa, Xasan ma danbuu ku qabaa, mise wax aanaan anagu ogeyn buu ogyahay?” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Wuxuu sheegay in cidda maanta fashilineysa xukunka Xasan Sheekh ay tahay Imaaraadka oo kaliya, wuxuu tusaale u soo qaatay in ragga ay isku hayaan siyaasadda, sida Axmed Madoobe ay toos ugu xiran yihiin Imaaraadka.
“Sababta aan u leeyahay ma aqaan waxa ay Imaaraadku ka rabaan Soomaaliya waa hal arrin, qiblada ay isugu tagaan oo la macaamilaan Axmed Madoobe, Saciid Dani, Cabdiraxmaan Cirro iyo kuwo kaleba waa Imaaraadka, in kastoo Cirro qiimeyn u baahan yahay, hadana Muuse intii uu joogay saaxiib ayey la ahaayeen, ragga aan soo tiriyey ee Imaaraadka qiblada ka wada dhigtay, mid midka kale salaama kuma jiro,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Fahad ayaa su’aal geliyey sababta Imaaraadka ay rabitaankooda u cadeysa la’yihiin, maadaama dowladda Soomaaliya ay hadda awood leedahay wax kastana loo fulin karo.
“Xasan Sheekh waxaan leyahay Madaxweyne nimanku kuma rabaa, teeramkaagii horena kuma rebin, hadda markii aad ka xalisay dagaalkii Farmaajo la galay unbay kula saaxiibeene nimankaan kuma rabaan, ma garanaayo sababta aad ugu samreyso,” ayuu yiri.
Wareysigaan oo dheeraa qeybta uu uga hadlay arrinta Imaaraadka wuxuu ku soo gabagabeeyey Fahad Yaasiin, “Hadii qorshaha Imaaraadka uu yahay in Soomaalida la kala qeybiyo, waa uu hayaa wadadaas, hadii uu damacsan yahay qorshe kale, anigu ma ogi, waana fahmi la’ahay.”
Hoos ka daawo.