Ciyaarta finalka HirShabelle iyo Galmudug oo dib loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciyaarta Finalka ee Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dib loo dhigay, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya.

Xiriirka  ayaa shaaciyey in dib loo dhigay muddo labo maalmood ah ciyaarta finalka ah oo horay loo go’aamiyey in la ciyaaro 27-ka bishaan oo ku beegan berri oo Sabtida.

Qoraal kasoo baxay Xiriirka ayaa lagu shaaciyay in maalinta Isniinta ah kulanka ugu dambeeya la ciyaari doono koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo final ay isugu soo baxeen Galmudug iyo HirShabeelle.

29-ka bishaan Janaayo oo ku beegan maalinta Isniinta ah ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo ciyaartaan oo ah mid xasaasi ah, waxaana aad loo sugayaa kulanka kama dambeysta ah.

Xiriirka ayaa qoraalkaan taageerayaasha uga codsaday inay ilaaliyaan habsami u socodka tartanka, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo khalalaase ku keeni kara habsami u socodka ciyaarta.

Tartankaan oo ah mid aad u xiisa badan waxaa horay loogu reebay xulalka kubadda cagta ee Banaadir iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed ay ka carootay tartanka oo meel dhexe maraya.

Horay Puntland ayaa uga hartay ciyaarahaan, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee tartankaan ay uga hartay Puntland, markii laga reebo khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland.

Koonfur Galbeed ayaa tartankaan ka hartay kadib markii la weeraray bas ay la socdeen ciyaartoyda oo ka soo baxday garoonka, K/Galbeed ayaa go’aan ku gaartay in mar dambe aysan ciyaar u imaan Muqdisho, maadaama lagu weeraray sanadkii labaad.