Masar(Caasimada Online) – Dowlada Masar ayaa liiska Argagixisada ku dartay ciyaaryahanka lagu magacaabo Mohamed Aboutrika oo kamid ahaa ciyaartooyda kubada cagta dalkaasi.
Qareenka ciyaaryahaankaasi ayaa saxaafada dalkaasi u sheegay in Maxkamadu ay liiska Argagixisada ku dartay Mohamed Aboutrika kadib markii lagu eedeeyay inuu taageeray dowladii hore ee uu hogaaminaayay Maxamed Mursi.
Mohamed Aboutrika waxa uu ka mid ahaa ciyaartooyda ugu caansan dalka, wuxuu u ciyaaray xulka qaranka Masar iyo kooxda Al Ahly ee ka dhisan Qaahira.
Dowlada Al-siisi waxa ay sheegtay in Maxamed Aboutrika uu xiriir dhow la lahaa ururka la mamnuucay ee Akhwaanul Muslimiin, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay gudiyadii loo xilsaaray horumarinta Dowladii uu hogaaminaayay maxbuus Maxamed Mursi.
Maxkamadu waxa ay sidoo kale Mohamed Aboutrika ku eedeysay inuu dhaqaale ku taageerray Akhwaanul Muslimiin oo dowladda Masar ay u aragto urur argagixiso ah.
Maxkamadu waxa ay sidoo kale Mohamed Aboutrika ku eedeysay inuu kamid ahaa raggii ololaha ugu jiray Maxamed Mursi si loo doorto.
Sidoo kale, Mohamed Aboutrika waxa uu iminka wajahayaa Ganaax iyo in laga xayiro dhammaan dhaqaalihiis iyo Guryaha uu ku leeyahay dalka Masar.
Dhinaca kale, Taageerayaasha ciyaaryahankaani ayaa ka biya diidan in Dowlada Al-siisi ay ku xadgudubto dhaqaalaha iyo Hantida Mohamed Aboutrika.
Caasimada Online
Xafiiska Masar

