31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Go’aan cusub oo xaaladda kusii xumeeyey Cabdikariin Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa Hogaamiyaha maamulkaasi Cabdikariin Guuleed ugu baaqay inuu aqbalo go’aanka Xilka looga qaaday.

Wasiiradu waxa ay soo jeediyeen in Guuleed uusan sabab u noqon dhibaatooyinka kusoo fool leh maamulka, sidaa darteedna loo baahan yahay inuu aqbalo xil ka qaadista lagu sameeyay.

Wasiirada ayaa dalabkaani soo jeediyay xili ay kulan ku yeeshen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxa ayna ka digeen in Cabdikariin Guuleed uu isku sii dhajiyo xilka laga qaaday.

Waxa ay tilmaameen in is jiidjiidka noocaasi ah uu sababi karo in dhammaan deegaanada maamulka ay galaan xaalad adag.

Wasiiru dowlaha wasarada Kalluumeesiga Galmudug Juneyd Ismaaciil Cigale oo kamid ahaa Wasiirada kulmay ayaa ugu baaqay Guuleed inuu aqbalo go’aanka xildhibaanada, deg degna xafiiska u baneeyo.

Cabdikariin Guuleed wali kama uusan hadal go’aanka cusub ay soo saaren qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkiisa, waxa uuna go’aankaani kabayaa go’aankii hore ee kasoo baxay Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News