Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa amar ku bixisay in Xabsiga la dhigo Ciidamo dhan 243 ka tirsan Milliteriga kuwaa oo iminka ka howlgala 54-ka Gobal ee dalkaasi.
Xariga Ciidamada ayaa waxaa amray Dacwad oogayaasha Turkiga kadib markii baaritaan socday lagu xaqiijiyay in Ciidamadaasi ay ku lug lahaayen Afgembigii Fashilmay.
Wakaalladda Wararka Anadolu ee Turkiga ayaa sheegtay in amarkaasi uu yahay mid fulintiisa la faray Saraakiisha Dowlada uga mas’uulka ah amniga 54-ka Gobal ee dalkaasi.
Anadolu waxa ay sheegtay in Ciidamadaasi lagu ogaaday baaritaan lagu hayay farriimo SMS oo ay isku direen inta lagu gudajiray Afganbiga dhicisoobay ee dhacay bartamihii bishii July ee Sanadkii lasoo dhaafay.
Sidoo kale, Wakaalladu waxa ay qoraalkeeda ku qeexday in Ciidamadaasi ay garab u ahaayen wadaadka Fatxullaahi Gulen oo lahaa abaabulka Afganbiga.
Dhinaca kale, amarkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Turkiga xabsi dhigtay Kumanaan ka tirsan Shaqaalaha iyo Ciidamada, kuwaa oo lagu eedeeyay falka Afganbiga.
Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

