Col. Gebre Alemseged oo “xabsiga loo taxaabay”

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u baqaan Jeneral Gebre ayaa lagu warramaya in xabsiga loo diray, sida ay baahisay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya.

Taleefishinka ESAT ee dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in Gebre laga qabtay oo lagu xiray duleedka magaalada caasimadda ee dalka Ethiopia.

Sida taleefishinka uu baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia weli si rasmi ah uma xaqiijin warkan. Sidoo kale, Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto. Si kstaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Gebre la xiray, waxaana qoraal arrintaas ku saabsan bartiisa twitter-ka soo dhigay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed.

“Waa war wanaagsan in kolonaylkii caanka ahaa ee Gebre lagu xiray Itoobiya. Waa nin muddo fog ku lug lahaa faro-gelinta iyo arbashaadda Soomaaliya. Xarigiisa waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay ka go’an tahay xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Cabdinuur.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay inay Dowladda Itoobiya joojisay faragelinta ay ku heysay dalka Soomaaliya

Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, ayaa dabayaaqadii June laga ceyriyey xilkii uu ka hayey urur goboleedka IGAD, ee ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadd ee xoghayaha fulinta IGAD.

Gebre oo mar ahaa sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa mas’uul ka ahaa dilka iyo xasuuqa kumanaan Soomaali ah, iyo inuu iska horkeeno kooxaha Soomaalida ee siyaasadda isku diidan

Halkan ka daawo warka ESAT ee xariga Gebre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com