Taliska ciidamada DF oo u diiday Axmed Madoobe inuu tago Buurdhuubo

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u diiday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inuu tago degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Taliyaha ururka 4, qeybta 43 ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Raxmaan Ibraahim Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan soo caga-dhigi karin Buurdhuubo.

Waxaa uu sheegay taliyaha in garoonka diyaaradaha Buurdhuubo ay joogaan ciidamada militariga Soomaaliya, islamaraaana deegaankaasi aysan imaan karin mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Jubaland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu dhibaato ku wado dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana arrintaasi aysan u dulqaadan karin.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa la sheegay in la geeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, si looga hor-tago in Axmed Madoobe uu halkaas yimaado.

Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, inkasta oo aysan caddeyn in madaxda sare ee dowladda ay arrintan ku lug leeyihiin.

Dhowaan ayaa sidoo kale Axmed Madoobe loo diiday inuu tago degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com