Video: Baarlamanka oo xeer qaldan oo hawada dalka ku saabsan loo gudbiyay

In xeer loo sameeyo hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay:-

A – Wuxuu xaqiijinayaa lahaanshaha adeegan in uu gooni u ahaado kaliya dowladda Soomaaliyeed.
B – Wuxuu ka hortagayaa in hawada Soomaaliyeed shirkado ama dalal shisheeye la hoos geeyo.
C – Wuuxuu saldhig u yahay hanashada iyo ilaalinta xuduudaha hawada Soomaaliyeed.
D – Wuxuu fure u yahay la soo wareegida maamulka hawada Soomaaliya ee maanta ay gacanta ku hayso hay’adda ICAO iyo shirkado kale oo laga leeyahay dalal kale.

Ayadoo oo sharcigan uu leeyahay muhiimaddaas oo dhan, ayaa hadaba waxaa ayaandarro ah in sharcigii intaas oo himilo ah laga sugayey in uu hirgaliyo muddo dheer in wasiirka gaadiidka uu maanta baarlamaanka horgeeyo wax sharci la mood ah, oo mugdi galinaaya dhamaan himilooyinka kor ku xusan, keeni karana hadduu hirgalo in hawadeena ay gobol gobol u kala go’do ama shisheeye loo gacan geliyo.

Sharci la moodkan wuxuu ka kooban yahay 1- Qayb laga soo xaday sharciyada duulimaad ee dalal kale. 2 – Qayb laga soo minguuriyay xeer ciqaabeed(Criminal low), iyo 3 – Qayb sahlaysa in aviation-ka dalkeena loo gacan galiyo ama ay la wareegaan shirkado shisheeye.
Waxaa kale oo ayaandarro in wasiiradii soo maray wasaarada gaadiidka ay afduubteen adeegaan oo ay ku ganacsadaan, kuna faanaan amaba ka been sheegaan la soo wareegidda hawada Somalia.

Sidoo kale, waxaa ayaandarro ah in ay iska indho tiraan in adeegan uu yahay astaan qaran (Somali Civil Aviation Authority), uuna yahay ilaaliyaha xuduudaha hawo ee dalkeenu leeyahay, sidoo kale uu yahay adeeg la falgalo dhammaan adeegyada qaran ee dal uu leeyahay sida ganacsiga, socdaalka, caafimaadka, ciidamada (Cirka iyo dhulkaba).

Hadaba waxaa muhiim ah in labada aqal ee dowlada, ay xeer ku sheegaan loo soo gudbiyay hoos u eegaan oo ay bar bar digaaan 1- Xeerkii tirsigiisu ahaa Lam XASH/42/184/90 oo ay hore u ansaxiyeen baarlamaankii dowladii AUN Maxamed Siyaad Barre ee la ansaxiyay 25/9/1990-kii, 2 – Sharcigii ay diyaariyeen khubaradii aviation-ka, iyo 3-kii ICAO u diyaarisay baarlamaanka Somalia in ay mas’uuliyadeeda kula wareegto.

Dhamaan xeerarkaan kor ku xusan waxay fure u noqon karaan badbaadada adeegaan iyo u diyaariinta sharci ka turjumi kara dhammaan himilooyinka aan kor ku soo xusnay,
Sharcigaasi, oo keeni karo in dowladeenu kula soo wareegto mas’uuliyadda hawada dalkeena oo qaybta ugu muhiimsan maanta ay ICAO gacanta ku hayso, qaybta kalena gacanta ugu jiro shirkado dalal shisheeye.

Haddaba sharcigan qaldan iyo midka saxda ah, waxaa sharxaya aqoonyahan Maxamed Abuukar Nuur, oo ah khabiir dhinaca duulimaadka ah.