CIA-da oo ku dhawaaqday go’aan culus oo la xiriira dilka Jamaal Khaashuqji

Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post.

Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’

Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin.

Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da.

Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka.

Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.”

Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar.

“Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post.

Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com