Wararkii u dambeeyay ee doorashada K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa wali ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan sii hayaha xilka madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xildhibaanada Maamulkaasi.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan Beesha caalamka iyo xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana dhamaan kulamadaasi looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha doorashada Koofur Galbeed.

Maanta oo ay ku beegan tahay 17 Novembar ayaa horey loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Koofur Galbeed, balse waxaa dib loo dhigay ilaa dhamaadka bishaan, si loo dhameystiro xubnaha guddiga doorashada.

Maanta gelinka dambe ayaa sida qorshaha uu yahay la filayaa in la dhameystiro kuraasta ka banaan guddiga doorashada Koofur Galbeed, si loosii qabto dhamaan howlaha ka horeeya doorashada.

Wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in la isku khilaafsan yahay dadka ka mid noqonaya guddiga doorashada, maadaama xubnaha qaar ay doonayaan in dib loosoo celiyo kuwii horey isku casilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com