Colaada iyo ami-darrada goballada Sool iyo Haysimo yaa ka danbeeya?

Colaada ka aloosan beelaha walalaha ah ee gobollada Sool iyo Haysimo waxaa hubaal ah in maamulka Soomaaliland uu ka danbeeyo islamarkaana uu hortaagan yahay in waxgaradka gobolka Sool uu ka arrinsado sidii ay kusoo afjari lahaayeen colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobollada Sool iyo Haysimo.
Si aan idiinku caddayno arrintan yadaa waxaan halkan ku bidhaaminayaa arrimo caddayn u ah arrintaas.
1. Marka hore waxaa lagu laayaa waxagaradka gobollada Sool iyo Haysimo yadoo loo tirinayo hayb ama ab ay kasoo jeedaan, waxaana dilka fuliya ciidamada Soomaaliland, islamarkaana maamulka Soomaaliland kama gaysto wax dhexdhexaadina amase xukun ah si loo soo afjarro dilalka xaq darradaa ee ka dhaca deeg
2. Waxa dilka geysta waa askar kamushahar qaadata ciidamada Soomaaliland, kuwaasoo markay wax dilayaan sita dirayska iyo hubka ciidanka militariga Soomaaliland.
3. Waxay askartaasi yihiin ilaalooyin khaasa kuwaas oo katirsan ciidanka Soomaaliland, waxay wax ku dilaan magaalada laascaanood iyo Taleex dhexdeeda dadka oo wada arkaya intay rasaas ku kala caydhiyaan halka maamulka nabadgalyada ee magaalada gobolladaas ay ka hawl galaan saacado kadib marka falku dhaco.
Tusaale: (1) Ganacsade Cabdinaasir Cumar Shaacuur waxaa dilay niman sita tuudaha Soomaaliland ahaana ilaalo khaaso oo ay lahayeen masuuliyiin kasoo jeeda Soomaaliland. markii ay dilaayaddii tolkood soo qabteena wax xukun ah laguma fulin, waxaana mushaharooyin dilaayaasha lagu siiyaa jeelka. yadoo ay jiraan kuwo badan oo lamida, kuwaasoo ku xidhan mandheera, jeelasha dhexe ee Hargeysa iyo Laascaanood.
(2) Ganacsade/Sheikh Maxamed Cabdirahman Calishire waxa lagu diay magaalada Laascaanood April 07, 2018, yadoo ay magaaladda bartankeeda ay ku dileen koox hubaysan, kuwaasoo badankoodu ay ahaayeen ciidanka ilaalada iyo qoyska Taliye Cabdisalaan Siigaale wasiirk Biyaha: Saleebaan Yuusuf Calikoorena ay isxigaan.
Dilaayadaas lama sooqaban way baxsadeen, yadoo ay jiraan xogo badan oo sheegaya in dad badan ay lug kulahaayeen qorshaha dilkaas marxuumka iyo waliba baxsashada dilaayaasha.
3. Waxaa ay xukuumadda dhexe usoo dirtaa xalinta khilaafaadka beelaha is-haya dad aan dhexdhexaad ahayn islamarkaana kamid aha gacan ku dhiiglayaasha si aan xal loogaadhin.
Sidaa daraadeed Soomaaliland ciidankeeda ayay ku habaysan beelaha qaarkood si ay colaad u dhex dhigaan.
Marka askartaasi dilka geystaana yagana laba qabto madaxda ay ilaaliyaan iyo masuuliyiinta reeraha ay kasoo jeedaan lalama xisaabtamo.
Tankale waxa miisaaniyadda Soomaaliland uguma talo gasho horumarinta Gobollada dhulbahanta iyo Warsangeliga sida Gobolka Sool, Haysimo, Badhan, iyo Buuhoodle.
Waa gobolada aan ilaayo hadda ka jirin maamul daadejin, kuna jirin miisaaniyaddana Soomaaliland badankoodu . Halka gobollada lamidkaa Haysimo, Badhan iyo Buuhoodle ee isaaqu dego miiisaaniyad buuxda loo sameeyey sida Gobolka saaxil (degmadii hore ee berbera), Gobolka Gabiley ( Degmaddii hore ee Gebilay), Gobolka Daad-madheedh isna waa degmadii hore ee oodweyne.
Kudarsoo miisanayadii ugu danbeysay ee 2017 kii, waxa ay ahayd 295 milyaar oo doolar, dhaqaalahaasna waxaa gaar uga faideystay Degmooyinka, Hargeysa, Berbera, Gabiley, Borama, Buraco, halka ay waxaan badnayn laga gaadhsiiyey degmooyinka Oodweyne, cerigaabo, laascaanood, sidoo kale waxba aysan kulahay dhaqaalahaas degmooyin iyo Gobollada Hartiga marka laga reebo maayir iyo badhasaab magac uyaala oo ku mushar-qaata.
Allaa mahad leh
W/Q: Dr. Ayaanle Alishire
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid