Hargeysa (Caasimada Online) – Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta xabsiga laga sii dayay, kadib markii ay shalay xukun ku riday maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex.
Coldoon ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii loo iibiyay xukunka maxakamaddu ku riday oo ahaa 6 bilood oo xarig ah, maadaama uu sharcigu dhigayo inuu iibsan karayo.
Xukunka shalay ayaa yimid iyadoo aan warbaahinta si rasmi ah loogu soo bandhigin eedaha loo haystay Coldoon ama qodobbada sharci ee maxkamaddu u cuskatay go’aankeeda.
Coldoon ayaa markaas diiday inuu qabsado qareen, isagoo doorbiday inuu isagu si toos ah isaga difaaco maxkamadda horteeda.
Cabdimaalik ayaa la xiray 4-tii Abriil, isaga oo laga qabtay magaalada Berbera, kadib markii uu sheegay inuu ku maqnaa baxsad uu ugu baxay bariga Somaliland. Waxa uu markaas sheegay in ay jirto cabsi la xiriirta in la xiro, taas oo sababtay in uu si ku meel gaar ah uga fogaado magaalada.
Qoyskiisa ayaa markii dambe ku qanciyay inuu Burco dib ugu soo laabto, iyadoo loo ballan-qaaday inaan la xiri doonin, balse durbadiiba waa la xidhay markii uu yimid.
Waxaa la tuhunsan yahay in xadhigiisan uu salka ku hayey faallo uu ka bixiyay warbixin ay baahisay Al Jazeera, taas oo sheegtay in Somaliland ay aqbashay inay martigeliso dad ka tirsan shacabka reer Gasa ee ay Israel iyo Mareykanku rabaan in ay ka barakiciyaan dhulkooda.
Si kastaba, Coldoon ayaa hore dhowr jeer loogu xiray Somaliland, iyadoo ku dhaceen xukunno kala duwan oo ugu dambeeyay kan maanta loo iibiyay, uuna dib ugu helay xoriyadiisa.