COLDOON oo xabsiga loogu taxaabay kiisas xasaasi ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ayaa sheegaya in goordhoweyd ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah suxufi ku caan baxay arrimaha samafalka.

Sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimda Online, Cabdimaalik Coldoon ayaa waxay ciidamada booliska Somaliland ka soo xireen xili uu ku sugnaa xafiiskiisa gaarka ah ee magaalada Burco.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdimaalik uu hadda ku xiran yahay saldhiga dhexe ee magaalada Burco.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa, ayaa haddana waxaa maalmihii u dambeeyay taagneyd xiisad ka dhex aloosneyd Cabdimaalik iyo iskuulka Abaarso, oo uu soo fara-geliyay madaxweynaha Somaliland oo sheegay in iskuulkaas uu yahay mid ka madhan eedeymaha loo jeedinayo ee ah faafinta dhaqano lidi ku ah diinteena suuban, xili uu sheegay inuu booqasho ku tegay soona hubiyey.

Cabdimaalik oo ka fal-celiyay hadalka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha isku dayayo inuu dabool saaro xaqiiqada dugsigaas, oo kal horena loo xiray arrintaasi Coldoon.

Sidoo kale, Coldoon ayaa muddooyinkii dambe dhaleeceyn xoogan u jeedinayay xarunta dhaqanka ee Hargeysa, taasi oo sidoo kale uu ku sheegay inay faafiso waxyaabo ka dhan ah dhaqankeena iyo diinteenaba.

Saacad ka hor unbey aheyd markii uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdimaalik, qoraal uu ku eedeynayo in Guddoomiyaha Jaamacadda Barwaaqo ee shabakadda Abaarso oo haweeney ah ay gudaha Somaliland ku faafiso gaalnimada, ayna dadka ugu yeedho si ay uga soo baxaan diinta Islaamka.

Si kastaba, ma aha markii u horeysay ee ciidamada booliska Somaliland ay xiraan Cabdimaalik Coldoon, ayada oo kal hore maxkamadda gobolka Maroodijeex ay ku xukuntay xariga saddex sanno ah. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka oo ku aadan xarigiisa.