Corinthians oo Chelsea ka qaaday Koobka Kooxaha Aduunka.

Chelsea ayaa laga quusiyey inay Hantaan Koobka Kooxaha Aduunka, ka dib markii ay guul darro 1-0 ah kala kulantay kooxda Corinthians ee dalka Brazil.

Labada koox ayaa weeraro aan kala joogsi laheyn is dhaafsanaayey qeybtii hore ee ciyaarta waxaana ay heleen fursado goolal loo fishay, gaar ahaan Torres ayaa qasaariyey kubad isaga iyo goolhayaha ah.

Moses ayaana u ekaa inuu gool dhalin kara laakiin wuxuu is qalday kubada ka dib markii uu cadaadis saaray goolhaye Cássio.

Barbaro goolal la’aan ah ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo ay labada kooxba doonayeen inay is muujiyaan qeybta labaad.

Chelsea ayaa ciyaar kulul kala kulantay kooxda Brazil ka dib qeybtii labaad iyadoo cadaadis ay saarayeen laba nin Paulinho oo qadka dhexe ah iyo José Paolo Guerrero.

Guerrero ayaana gool ka dhaliyey Chelsea ka dib kubad uu si fiican usoo farsameeyey Paulinho, daqiiqadii 70-aad.

Chelsea ayaa isku dayo dhowr ah sameysay iyadoo uu Torres gol dhaliyey laakiin waa laga diiday markii loo sheegay inuu Offside ku jiray.

Juan Mata ayaana ku dhowaaday inuu dhamaadkii ciyaarta gool dhaliyo laakiin isna birta ayaa ka beenisay.

Hadaba Chelsea oo ah Horyaalka Yurub ayaa weysay Koobka Kooxaha Aduunka iyadoo sidoo kale Atletico Madrid ay ka qaaday Super Sup Europe.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.