Madaxweyne Hassan Sheekh oo u ambabaxay Wadanka Jabuuti.

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo uga qaybgali donna  xuska qoraalka farta Soomaaliga oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.

Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay inay ka mid yihiin shaqsiyaad si fiican u yaqaanno luuqadda Soomaaliga iyo qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha dalka ku yaalla.

Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha( Luuqad-yaqaano) iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed. Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha wuxu yiri ”Waxaan ka shaqeyn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan” Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka wax barashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo. Lixda tiirar siyasadeed ayaa waxaa ku qoran qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.

Xuska 40-guuradii ka soo wareegatay markii la qoray farta Soomaaliga ayaa lagu qaban donna dalka Jabuuti inta u dhexeysa 17-ka ilaa 22-ka bishan December  2012-ka.

Naadiga Qalinlayda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo ka qeyb ka ah dadka ka qaybgalaya xuska 40-guuradii ka soo wareegatay markii la qoray farta Soomaaliga.

Sida ay lee yihiin madaxda waddanka Jabuuti, waxa xuskaas ka qaybgali donna madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Somaliland, dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socota gobolka waqooyi bari Kenya kuwaasoo lagu casuumay munaasabadda.

Waa markii labaad oo madaxwaynaha Soomaaliya uu tago waddanka Djibouti tan iyo markii la doortay bilowgii bishii September sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho