Shirkad dhoofisa Muuska oo laga furay Magaalada Muqdisho “Warbixin”

Muqdisho (Caasimada Online) Xaflad lagu furaayay shirkadda Fruitsome oo ah shirkad soo saarta Muuska ilsla markaana dibadda u qaada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkadan oo dadka ku jira ay ka mid yihiin Beeraleey Soomaali ah, khubaro si fiican u taqaana ganacsiga iyo suuqgaynta muuska iyo saamileey Soomaali ah oo maalgashi ku sameestay shirkadda.

Guddoomiyaha guddiga fulinta shirkadda Fruitsome Cismaan Xeyle Caruush oo goobta ka aqriyay war-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay in shirkadan u jeeda ugu way nee loo sameeyay uu yahay siddii ay dib loogu soo noolayn lahaa dhoofinta muuska Soomaaliyeed.

Wuxuu yiri: “Shirkadda Fruitsome waa shirkad soo saarta Muuska , waxa meesha ku jirta waa beeraleey badan oo tacabta muuska, isla markaana dhoofineysa oo loo aasaasay in ay dhaqdhaqaajiso soona noolayso  dhoofinta iyo ganacsiga muuska Soomaaliyeed , waa uu jeedada shirkadda loo aasaasay.”

Mar uu ka hadlaayay shirkadda qaybaha ay ka kooban tahay wuxuu yiri: “Shirkaddu waxa ay ka kooban tahay beeraleey, Khuburo ku taqasustay ganacsiga iyo suuq gaynta muuska Soomaaliyeed iyo saamileey maalgashaneysa muuska Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga fulinta shirkadda Fruitsome.

Qaar ka mid ah saamiliyada shirkadda ayaa goobta ka sheegay in cid kasta oo danaaneesa in ay maalgashi ku sameesato shirkadda uu u furan yahay, isla markaana saami la siin doonno.

Soomaaliya wax yaabaha ay caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa muuska oo loo dhoofin jiray waddamada dibadda, laakin wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii majirin wax muus ah oo la dhoofiyo, sidoo kale waxa yaraaday wax soo saarka muuska markiii ay la waayay meelo loo qaado,.

Beeraleey fara badan ayaa ku tiisanaa ganacsiga iyo dhoofinta muuska Soomaaliya, kuwaasoo ay la soo daristay shaqo la’aan ama kuwa badan ay ka tageen dalka.

Shirkada ayaa sheegtay in xarunteeda koobaad ay ka furatay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Amasador, laakin mustaqbalka ay rajeeneyso in xarumo waawayn ay ka furtaan waddanka oo dhan,

Si kastaba, waxa soo badanaya dadka Soomaalida ah ee ka immaanaya waddamada qurbaha ee ka furanaya dalka wax yaabo horrumar leh, taasoo ka dambeesa nabad-galyada ka jirta caasimada.

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay in ciddii faah-faahin dheerad rabta in ay kala xiriiri karto Website-ka WWW.fruitsome.com ama Info@fruitsome.com.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho