Cosoble: Kheyre ayaa dhaqaale xoogan ku bixiyay xil ka qaadista ay igu sameeyen xildhibaanada

Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle ee xilka laga qaaday Cali C/laahi Cosoble, ayaa mar kale sharaxaad kooban ka bixiyay xil ka qaadistii ay ku sameeyen Xildhibaanada baarlamaanka maamulka.

Cali C/laahi Cosoble, ayaa sheegay inay iska cadahaya qaabka looga qaaday xilka isla markaana uu la socdo in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu riditaankiisa ku bixiyay dhaqaale xoogan, sida uu hadalka u dhigay.

Cali C/laahi Cosoble ayaa Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyay in uu ka dambeeyo mooshinkii xilka looga tuuray, waxa uuna tilmaamay inuu kaga faa’iideystay tashwiish kala dhexeeyay.

Cosoble ayaa si gaar ah Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ugu eedeeyay in uu burburinayo Maamulka Hirshabeelle, balse uu isaga uun meesha ka bixi doono.

Nasiib darro ayuu ku sheegay in laga daba shaqeeyo maamulkiisa, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in la qaboojiyo xiisada uu Ra’isul wasaare Kheyre ka dhex abuuray maamulka.

Dhinaca kale, Cosoble ayaa xilkiisa ku waayay eedeymo la xiriira shaqo gudasho la’aan, Musuq, Safaro aan dhammaan iyo Latashi la’aan ku aadan talaabooyinka uu qaadayo.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com