Qadar oo ka jawaabtay go’aan uu qaatay boqorka dalka Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Sacuudiga ayaa dib uga laabatay mowqifkii ay ku joojisay Xujeyda Qadar.

Qoraal horay uga soo baxay xafiiska Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa lagu sheegay in la furi doono xaduuda u dhaxeysa Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar si xujayda reer Qatar si fudud ugu soo galaan dalka Sacuudiga.

Dowladda Qatar oo ka duuleysa isbedelka Sacuudiga, ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay go’aankii ka soo yeeray Sacuudiga, ee ku aadanaa in uu xuduuda u furayo dadka reer Qatar, kuwooda doonaya inay gutaan Xajka.

Go’aanka sacuudiga ayaa waxaa dhanka Qadar kasoo dhaweeyay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, oo sheegay in Dowladda Qatar ay soo dhaweynayso hadalka cusub ee ka soo yeeray Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga, ayaa bishii June sheegtay in xujeyda reer Qatar ay Sacuudiga ku imaan karaan oo keliya safarda xagga cirka, ka dib markii ay xirtay xuduuda Salwa.

Qatar, ayaa xuduuda keliya ee dal caalamka ku yaala ay la wadaagto waxay la leedahay dalka Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aankaan ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Qadar uu saameyn dhan weliba ah ku yeeshay qaraarka kasoo baxay Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com