Cosoble oo magacaabay guddoomiyaha degmada Balcad

Jowhar (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Balcad.

Wareegtada Hogaamiye Cosoble ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Degmada Balcad, Maxamuud Maxmaed Maxamuud Saneey, waxaana loo magacaabay Cismaan Maxamd Maxamuud Xaadoole.

Guddoomiyaha cusub ayaa hore u soo qabtay xilka Guddoomiyaha degmada Balcad, waxaana iminka looga maarmi waayay xilka Guddoomiyenimo, kadib markii uu Hogaamiyaha maamulka sheegay in magacaabida ay ka eegeen dhinacyo badan.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa xilkaasi horay ugu waayay iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska oo ku dagaalamay degmada Balcad.

Geesta kale, Hogaamiyaha maamulka HirShabelle ayaa Guddoomiyaha cusub ku amray inuu guto waajibaadkiisa shaqo, waxa uuna kaga digay inuu ku kaco waxyaabaha keenikara in xilka laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com