Natiijada Doorashada dalka France iyo Musharaxa guuleystay oo la shaaciyay

Nairobi (Caasimada Online)-Maanta oo Axad ayey bilaabatay wareega ugu danbeeya ee doorashada Madaxweynaha France oo ay isugu soo hareen labada Murashaxa Emmanuel Macron iyo haweenayda hogaamisa xisbiga xagjirka ah Marine Le Pen.

Tartanka ayaa ah mid adag walow ay dadka intiisa badan saadaalinayeen in doorashada ay ku guuleysan doonto Marina Le pen oo maalmihii lasoo dhaafay sare u kacday taageeradeeda.

Wareega labaad ee Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Musharaxa miisaanka Siyaasadeed leh Mr Emmanuel Macron.

Natiijada Doorashada oo goordhow la shaaciyay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kusoo baxay Mr Emmanuel Macron, iyadoo ay hartay haweenayda hogaamisa xisbiga xagjirka ah Marine Le Pen oo kusoo baxday codad yar.

Emmanuel Macron ayaa helay 65.3% codadkii guud ee la bixiyay halka haweynaydii la tartamaysay Marina Le pen ay heshay 37.7%.

Emmanuel Macron oo da’adiisu tahay 39 jir ayaa noqday Madaxweynihii ugu da’ada yaraa ee soo mara dalka France.

Dalka France, ayaa waxaa hadda ka socda fantasiyo lagu taageeraayo Madaxweynaha da’da yar Emmanuel Macron oo codad badan uga guuleystay haweynaydii la tartamaysay Marina Le pen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com