Sargaal ka tirsan Sirdoonka Somalia oo Caawa lagu Qarxiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgooyska shaqaalaha ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in gaari loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Qaraxa ayaa waxa uu dhaawac culus kasoo gaaray Sargaalka loogu xiray gaariga waxaana la xaqiijiyay in dhaawaca uu kasoo gaaray qeybaha danbe ee jirka.

Sarkaalka Gaarigiisa Qaraxa loogu xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Dinix, iyadoo Qaraxa noociisa lagu sheegay midka rimuudka lagu hago.

Geesta kale, Ciidanka DFS, gaar ahaan kuwa NISA ayaa Qaraxa kadib isku gadaamay goobta waxa ayna halkaasi ka qaaden dhaawaca Sargaalka oo la geeyay mid kamid ah Isbitaalada ku dhow dhow Isgooyska shaqaalaha oo ah halka uu Qaraxa ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com