Hanti dhowraha oo ka biyo diiday inuu maanta xilka wareejiyo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti dhowraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa maanta ka biyo diiday inuu wareejo xilkiisa kadib markii dadaalo ay sameeyeen xildhibaanada Habargidir looga soo saaray xabsi gurigii ay gelisay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Hanti dhowraha qaranka ayaa maanta u diyaar garoobay inuu xilkiisa wareejiyo, iyadoo meesha uu ku sugnaa ku xigeenka Hanti dhowraha oo uu madaxweynaha si kumeel gaar ah ugu magacaabay xilkii laga qaaday Nuur.

Markii saacado badan la sugay inuu xafiiska Yimaado isla markaasna uu xilka wareejiyo, ayuu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay inuusan marnaba xilka wareejin doonin maadaama uu sheegay inaysan sharci aheyn xil ka qaadistii ay ku sameeyeen golaha wasiirada iyo madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu tilmaamay inuusan xilkaas wareejin doonin ilaa ay kalsoonida kala laabtaan XIldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay inay markii hore codka kalsoonida siiyeen.

Wuxuu sheegay inuu sugi doono inta uu furmi doono kala fadhiga labaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya, waxayna hadda xildhibaanada ku maqan yihiin fasax ilaa 2 bilood ah.

Arrintaan ayaa noqotay middii ugu saameynta badneyd dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana laga war sugayaa halka ay kusoo dhammaan doonto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET