Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay xilka ka qaadeen Baarlamaanka Hirshabelle ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay isaga iyo wafdigii dowladda ka socday ay isku raaceyn inaan mar dambe la dhihi karin madaxweynihii hore balse uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Maamulka Hirshabelle.
Waraaq ku qorneyd afka Ingiriiska oo laga soo saaray Xafiiska Cosoble ayaa lagu sheegay in kulan dheer kadib oo ay wada qaateen wafdigii uu hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta iyo isaga la isku af gartay in wixii dhacay ay ahaayeen afgambi balse aan lagu tilmaami karin xil ka qaadis sida lagu sheegay waraaqda kasoo baxay xafiiska Cosoble
Waraaqda kasoo baxday Cosoble ayaa lagu yiri:
” Wafdiga Wasiirada ah oo Xildhibaanada iyo madaxweyne Ku Xigeenka kulan La qaatay ayaa u sheegay Mr. Cosoble in uu yahay Madaxweynaha Dastuuriga ah ee Hirshabelle islamarkaana aan La dhihi Karin madaxweynihii hore, sharci darana ay tahay Xil ka qaadis beenaadka la Rabo in lagu majaxaabiyo Hirshabelle.
Wafdigii ay dowladda dhexe u dirtay Jowhar oo Muqdisho kusoo laabtay ayaan weli wax war ah kasoo saarin kulamadii ay Jowhar kula yeesheen dhinacyada khilaafka ka dhaxeeyo iyo sida laga yeelayo, mana jirto cid xaqiijin karta sax ahaanshaha heshiisyada uu sheegtay Cosoble inuu la galay dowladda.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray Cosoble oo ku qoran luuqadda Ingiriiska.


