Cosoble: Soomaaliya waxay yeelanaysaa 10 madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay muddo kordhin uu sheegay inay doonayaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay helaan fursad labo sano oo dheeraad ah oo ay doonayaan inay ku darsadaan, taasina aysan ka soconeyn dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in madaxda dalka ay durba soo jeedintooda ku aadan in muddada loo kordhiyaa ay u direen qaar kamid ah madaxda dalalka caalamka.

Bisha Febraayo ee sanadka 2021 ayuu sheegay in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, haddii taasi aysan dhicina in dalka uu yeelan doono 10 madaxweyne.

“Waxaan og nahay inay doonayaan muddo kordhin inay sameeyaan madaxda hadda talada haya, taasina suuragal maaha, oo waxayba hadda Proposal u direen dalalka caalamka iyaga oo u sheegaya in muddo kordhin loo sameeyo”

“7 Febraayo 2021 haddii doorasho aysan ka dhicin dalkaan wuxuu yeelan doonaa 10 Madaxweyne”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa walaac ka muujinaya muddo kordhin ay sheegeen inay doonayaan inay sameyn karaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com