Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo billaabay qorshe cusub oo xilka looga qaadayo Xaaf

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe cusub oo doorasho looga qabanayo degaanada maamulka Galmudug dhamaadka sanadkaan 2019 oo ku egyahay muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xukuumadda Soomaaliya ay la heshiisay islamarkaana ay lacago badan ku bixisay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug ,si ay go’aan uga gaaraan doorashada Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug aadna ugu dhow Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna ku heshiiyeen Xildhibaanada shiraan kadibna ay go’aano ka soo saaraan xaaladda Galmudug.

Xubnahaan Xildhibaanada oo aad ugu dhow Kheyre islamarkaana la dhacsan sida uu wax kuwado ayaa abaabulaya kulamo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Galmudug ,waxayna wadaan qorshe madaxtooyada looga soo dhiibay si meesha looga saaro Madaxweyne Xaaf lamana oga sida ay ku suurta geli doonto arimahaan hadda ka socda Villa Somalia.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Caasimada Online ayaa sheegay in barnaamijkaan uu ka socdo Muqdisho, islamarkaana ay qayb ka yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi isagoo ka digay cawaaqibkii ka dhasha Shirka Galmudug ee Muqdisho laga abaabulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com