Imaaraadka Carabta oo Nairobi ka wada shirqoolo ka dhan ah Soomaaliya

Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya Faarax Macallim Maxamed ayaa banaanka soo dhigay shirqoolo ay Dowladda Imaaraadka Carabta ka wado dalka Kenya kaasoo ka dhan ah Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeyey inay dalka Kenya ka dhigteen meel ay ka fuliyaan qorshahooda ku aadan deganaansho la’aanta  dalka Soomaaliya oo ah dalka Islaam ah oo ku yaalo Geeska Africa.

Faarax ayaa si cad u sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay si toos ah ugu adeegsaneyso dowladda Kenya sidii loo dhibaateyn lahaa Midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Faarax oo bartiisa Twitterka qoraal soo dhigay ayaas sheegay in Magaalada Nairobi si weyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyada sirdoonka Imaaraadka Carabta oo halkaas ka falo arrimo hagardaamo ku ah Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inay ka hor tagto falalka ay Sirdoonka Imaaraadka Carabta ka wadaan dalkeeda taasoo ah dagaal qabow oo lagu hayo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wuxuu ka hadlay muranka Badda ee u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna sheegay in kiiskaas uu hor yaalo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo madaxbaanida xuduudeed ee dhamman dalalka ku yaalo Geeska Africa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhibaato xoog leh ku heyso Dalka Soomaaliya, waxayna saldhigyo Militari ka sameysatay gudaha Soomaaliya, sidoo kalana waxay la wareegtay Dekado aysan ogolaansho uga heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa hagardaameyso Dowlad kasta oo ay u aragto inay saameyn ku yeelan karto dekadaheeda maadaama ay halkaas ka hesho lacago Malaayiin Dollar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com