Ciidamada DF oo gurigiisa kala baxay wiil uu dhalay fannaanka Cabdi Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada  Booliiska Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa kala baxay wiil uu dhalay Fanaanka wayn ee Cabdi Tahliil Warsame, kaas oo muddo dheer ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho.

Wiilka lala baxay ayaa lagu magacaabaa Maslax Cabdi Tahliil Warsame, waxayna goob joogayaal ay Caasimad Online u sheegay in Ciidamada ay guurigiisa ugu galeen kadibna ay ka kaxeesteen.

Ma jiraan wax faah faahinno ah oo laga hayo sababta ay ciidamada u ka xaysteen Maslax balse Gabar la dhalatay Maslax Cabdi Tahliil ayaa Caasimada Online u xaqiijisay arrintaan.

Ciidamada dowladda ayaa habeenada Muqdisho ka waday howl-gallo, ayada oo ay jireen dhallinyaro dhowr ah oo guryahooda ama goobo kale sida maqaayado laga kaxaystay.

Dadka la kaxaysto ayaa waxaa inta badan soo gala tuhunno amni, balse lama oga in xariga Maslax ay sidoo kale la xiriiro xaalad amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com