CC SHAKUUR oo kashifay halis ku duugan sharciga shidaal ee BF uu ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay sharciga Kheyraadka dalka oo uu sheegay inuu yahay Sharci lagu xalaaleysanayo Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Sharcigaasi uu yahay mid lagu xalaaleynayo qandaraasyo loo saxiixay Shirkado Shidaal oo baraya dalka, isagoo cadeeyay inaan sharcigaasi lagu siri karin ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaan heshiis laga gaarin awood Qeybsiga iyo Khayraadka dalka, laakiin xukuumadda Soomaaliya ay hadda dadaal badan ku bixisay sidii sharcigaasi loo meel marin lahaa.

Dadaalka xukuumadda iyo waqtiga la geliyay sharcigaasi ayuu sheegay inay habooneyd in lagu bixiyo qabyo tirka Dastuurka, hagaajinta siyaasadda Dalka iyo xaaladaha amaan ee Soomaaliya.

“Shacabka Soomaaliyeed laguma siro sharci shidaal oo lagu xalaalaynayo qandaraasyo shirkado ajnabi ah lala galo, iyadoo xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka sidan tahay, iyadoo dastuurka dalka la dhamaystirin, heshiisna laga gaarin qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka”.

“Dadaalka, hantida iyo waqtiga ay xukuumadu gelinayso meelmarinta qandaraasyada shidaal, ha u weeciso xasilinta amniga iyo siyaasada dalka iyo qabyo tirka dastuurka”ayuu yiri Mr Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com