Somaliland oo jawaab adag ka bixisay hadalkii Xaliimo Yarey ee doorashada 2020

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey.

Marwo Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso.

Waxay sidoo kale sheegtay in looga baahan-yahay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha doorashadaas uga qeyb galeysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo maanta xafiiskiisa Hargeysa kula hadlayay warbaahinta, ayaa si adag uga jawaab celiyay hadalkaasi, wuxuuna yiri

“Gabadha Guddoomiyaha u ah Komishanka Doorashooyinku waxay tiri Musharraxiinta Somaliland ee doorashada Soomaaliya ka qayb-qaadanaysaa Liiskooda ha soo gudbiyaan, waa wax layaab leh in illaa halkaa la inoo soo doolaalo tago, waxaanse u malaynayaa inantu kaskeeda ayuunbay hadashay”.

“Waxaan leeyahay Somaliland iska daayoo Hir-shabeele oo Jawhar Caasimad u tahay ayeydaan Doorasho ka qaban karin, Muqdisho gudaheeda ayayna ka qaban karin, maantana waxay tidhi Musharraxiinta Somaliland ha isa soo diwaangeliyaan, naga xishooda ayaanu leenahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wada-hadaladii aanu idinla furnay ayaa mar-marka qaar khalad noqonaya, idinkoo Shan ah in mid keliya nala hadasho, odhan maayo ma jiro Wada-hadalladaasi oo Dawladdayadii way qaadatay, hase-yeeshee qaabkaasi qaab roon muu ahayn”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com