‘Safiirka UK ee Hargeysa yimid been baa loo sheegay’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa markii u horeysay sheegay in war been ah loo sheegay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya oo dhawaan safar ku imaaday caasimada Somaliland.

Waddani ayaa sheegay in xukuumada Muuse Biixi ay Safiirka u sheegtay intii uu ku sugnaa Hargeysa in la xaliyay khilaafkii ka taagna qabsoomida doorashooyinka, oo ilaa hadda ay isku mari la’yihiin.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Wadani, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo maanta warbaahina kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri

“Safiirkii Ingiriiska ee noo yimid waxa la siiyey war been ah oo ah dadkii diidanaa waxay naga ogolaadeen in sidii hore lagu galo, miyaad maqasheen Shir la isugu yimid oo Odayaal loo yeedhay ama gobol gobol loola shiray oo saami-qaybsiga lagala shiray miyaad maqasheen?, waa war been ah, waa waxyaabaha dadka iska horkeena”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ninka maqla maanta in laga been abuurtay ee la yiri reer Awdal baa ogolaaday, reer Hargeysa ayaa ogolaaday oo Madaxweynuhu wuxuu haystaa ogolaansho ah in doorashada sidii hore lagu galo, sow doorashaduba innaga sadhoobi mayso, annagu waxaanu leenahay waar Dadka xaqiiqo ha lagu dhaqo oo beenta ha laga daayo”.

Khilaafka xisbiyada u dhaxeeya ee ku aadan doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid in badan soo noq-noqday, oo ilaa hadda laga gaarin is-afgarad buuxa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com