Xog: Sababta ka dambeysa go’aanka Kenya ay Visaha ugu diiday xubanaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kasoo celisay xubno kamid ah dowladda Soomaaliya kuwaasi oo loo diiday inay gudaha dalka Kenya galaan.

Xubnaha loo diiday inay galaan magaalada Nairobi waxaa kamid ah Wasiir ku xigeenka Tamarta Cismaan Libaax Ibraahim, Senetor Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale, kuwaasi oo loo diiday inay helaan VISA on Arrival ka ah oo ay garoonka ku qaadan jireen.

Baraha Bulshada ayaad aad looga hadal hayaa arintaan, waxaana jirin ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya, iyadoo la isweydiinayo sababta arintaasi ka dambeysa.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso Khilaafka dhanka biyaha Badda ku saleysan ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, iyo shirka ka dhacayay magaalada Nairobi oo la doonayay masuuliyiintaan in laga baajiyo.

Kenya ayaa dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyin farabadan waxaa ay isku dayeysaa inay cadaadis ku saarto in dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya laga laabto, hayeeshee Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in marnaba aan wadahadal laga galeyn.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in dowladda Federaalka Soomaliya ayaa war cad kasoo saarto tallaabada ay qaaday dowladda Kenya iyo daandaansiga Siyaasadeed ee xilligaan ay wado.

Dowladda Kenya ayaa waxay aad kaga careysan tahay ogaanshaheeda ku aadan inaysan ku guuleysaneyn dacwadda u dhaxeysa labada dowladood ee ku saleysan dhanka Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com