Sixitaan: Maxaa ka jira in ciidamada dalka ay Kenya ka baxeen garoonka Kismaayo?

Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaan akhristayaasheena uga cudur daaraneynaa war saaka aan soo daabacnay oo ahaa in Ciidamo Itoobiyaan ah lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee hoos imaado howlgalka AMISOM iyadoo ay taas sabab u aheyd illo wareedyadaan aan warkaan kasoo xiganay.

Baaritaan iyo dabagal kadib, Shabakadda Caasimadda Online ayaa soo ogaatay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu wareejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxay saldhig ku leeyihiin Koontaroolka Kismaayo ee looga baxo Wadada aada Goobweyn.

Ciidamadaas ayaa waxay hoos tagaan Ciidamada AMISOM gaar ahaan Sector 2, waxaana taliye u ah Jeneraal u dhashay dalka kenya kaasoo saldhigiisu yahay Dhoobley.

Qiyaas ahaan ciidanka Itoobiya ee halkaas ku sugan waxay gaarayaan 240 Askari, oo lagu bedelay Ciidamadii Sierra Leone oo sanadkii 2015 laga saaray Soomaaliya..

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com