“Madaxda maamulada sida ajaaniib oo kale ayey ugu cayaaraan dalka” Cosoble

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa si caro leh uga hadlay go’aanka kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo ugu soo xirmay madaxda maamulada.

Cosoble, oo la hadlayey Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka uu yahya mid lagu duminayo Qaranka.

Cosoble, waxa uu tilmaamay inuusan kala garankarin in ujeedka madaxda maamulada uu yahay ka qeybqaadashada dhismaha dalka iyo inay kasoo horjeedan Qaranimada.

Cosoble, ayaa waxa uu qaran dumis ku tilmaamay go’aanada ay Kismaayo kasoo saaren Madaxda Maamul gobaleedyada,waxa uuna xusay in wax lala yaabo ay tahay in mas’uuliyiin falkan isku raacaan.

Waxaa uu sheegay in sida ajnabi oo kale ay u hadlan madaxda maamul gobaleedyada ay tahay mid lala yaabo,isagoona shaaca ka qaaday in dowlad gobaleedyada ay doonayan in ay dumiyan Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

“Waxan kala garan waayay inay yihiin mas’uuliyiin iyo inay cayaarayan waayo qof mas’uul ah sidaa uma dhaqmo waa in mas’uulka uu yahay mid midaya dalkiisa”

“Dhaliil wey imaankarta balse maaha in loo dhaqmo si dalka ay ka dhisan yihiin dowlado badan, anigu wax wanaagsan uma arko dhaqanka ay Qaranka ku duminayaan maamulada”

Dhinaca kale, Cosoble ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonayo in wixii sharci ah ay dhaqan galiso maadaama go’aanada iyo shirarka ceynkaasi ay maamul Goboleedyada uu u noqday mid ay ugu awood sheegtan Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com